Saturday, May 2, 2026
29 C
Mogadishu

Taliyihii ciidanka Madaxtooyada Puntland oo lagu dilay dagaal ka dhacay Gaalkacyo

Gaalkacyo (Halqaran.com) – Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa sheegaya, in iska horimaad halkaasi ku dhexmaray Ciidamada Puntland iyo kooxo ka ganacsata Maan dooriyaha uu ku dhintay taliyihii ciidamada ilaalada madaxtooyada Puntland Gaashaalle sare Cusmaan Cumar Maxamed (Cismaan Itoobiyaan).

Taliyaha ayaa la xaqiijiyay inuu u dhintay dhaawac xooggan ka soo gaaray iska horimaad saaka ka dhacay Warshadda Kabista ee magaalada Gaalkacyo.

Iska horimaadkan ayaa ka dambeeyay, markii Ciidamada Puntland ay howlgal ballaaran ka sameynayeen Warshadda Kabista ee magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, halkaasi oo dableyda hubeysan waxyaabaha maanka dooriya ay ku iibinayeen.

Ciidamada Booliska ayaa waxa ay gacanta ku soo dhigeen 8 ruux oo mid ka mid dhaawac uu yahay, kuwaasi oo ah raggii Ciidanka la dagaalay, sidoo kalena dilay Taliyihii ciidamada Madaxtooyadda Puntland.

Saldhiga Waqooyiga magaalada Gaalkacyo ayaa lagu xiran dhammaan raggii la soo qabtay, waxaana Saraakiisha Booliska ay sheegeen in sharciga la horgeyn doono.

Muddooyinkii dambe, waxaa magaalada Gaalkacyo qaybta Waqooyi ka socday hawlgal ciidamada ammaanka ay kula dagaallamayeen waxyaabaha maanka dooriya iyo dadka ka ganacsada intuba.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...