Thursday, April 30, 2026
32.9 C
Mogadishu

AKHRISO: War-murtiyeedka laga soo saaray Shirka Beesha Muddulood

Muqdisho (Halqaran.com) – Waxaa Khamiistii maanta Magaalada Muqdisho lagu soo gebagabeeyay Shirkii Beesha Muddulood ee 3-dii bishan ka furmay Caasimadda Muqdisho.

Shirkan oo hal ku dhig looga dhigay ‘Shirka Wadatashiga iyo Iscafinta Beelweynta Muddulood’ ayaa waxaa Magaalada Muqdisho kaga qaybgalay shan kun oo qof.

Qodobbada shirka laga soo saaray oo saddex qodob ka koobnaa ayaa diiradda lagu saaray arrimaha bulshada, ammaanka iyo siyaasadda.

Sidoo kale, marti sharafta lagu casuumay shirka ee khudbadaha ka jeediyay ayaa waxaa ka mid ahaa Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Hirshabeelle, Galmudug iyo Koofur Galbeed.

Ugu dambeyn, war murtiyeedka laga soo saaray shirka ayaa waxaa ka akhriyay Avv. Cumar Dhagey, iyadoo hareerihiisa taagan yihiin Madaxweynayaashi hore, Duubabka Dhaqanka iyo siyaasiyiinta ku matala DF Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...