Muqdisho (Halqaran.com) – Wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee xukumadda federaalka Soomaaliya ayaa Talaadada maanta ah soo saartay Xeerka ansixinta iyo dhaqangalka Buugaagta Manhajka Qaranka ee Dugsiga sare oo ay qasab tahay in sannad dugsiyeedkan lagu dhigo dhammaan dugsiyada dalka.
Wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare ee dalka, Mudane Cabdullaahi Goodax Barre oo bartiisa Facebok ku daabacay warkaan ayaa qasab looga dhigay in dhammaan dugsiyada sare ee dalka in manjahkaan ay dhaqan galiyaan sanad dugsiyeedkaan .
“Waxaan maanta soo saaray Xeerka ansixinta iyo dhaqan-galka Buugaagta Manhajka Qaranka ee Dugsiga Sare oo ay qasab tahay in sannad-dugsiyeedkan lagu dhigo dhammaan dugsiyada dalka‘‘ ayaa lagu yiri qaraalka kasoo baxay Wasiir Waxbarashada ee dalka, Goodax Barre.
Halka hoose ka Akhriso Qoraalka ka soo baxay Wasaaradda Waxbarashada:

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





