Muqdisho (Halqaran.com) – Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa Talaadada maanta ah yeeshay kulankoodii 4-aad ee kalfadhiga 7-aad.
Wuxuu ahaa ajandaha kulanka maanta, ansixinta xubin ka mid nooneysa guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka.
Kulankan ayaa waxaa shir guddoominayay guddoomiyaha golaha aqalka sare ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliiya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, waxaana ku wehlinayeen labadiisa ku-xigeenka.
Kulanka maanta ayaa waxaa soo xaadirtay 31-xubnood.
Dhammaan 31-da xubnood ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyay Xubinimada, Marwo Sacdiyo Shuuriye oo kamid noqonaysa guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





