Friday, September 18, 2026
25.3 C
Mogadishu

Madaxweynaha JF Somaliya oo shacabka Soomaaliyeed uga hambalyeeyay munaasabadda Ciidul Axda

Muqdisho (Halqaran.com) –  Madaxweynaha JF Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa umadda Soomaaliyeed uga hambalyeeyay munaasabadda Ciidul Adxa.

Halka hoose ka akhriso qoraalka hambalyada Madaxweyne Farmaajo:

Waxaan ugu hambalyeynayaa dhammaan dadka Soomaaliyeed munaasabadda barakaysan ee Ciidda Carafo ee sanadka Hijriga 1441-ka.

Alle waxaan ka baryayaa in uu noo aqbalo ducada dadka muslimiinta ah ee sanadkaan nasiibka u helay in ay gutaan acmaasha Xajka.

Maalmahan barakaysan ee bisha Carafo waa maalmo ku weyn diinteenna iyo dhaqankeenna, waa maalmihii gudashada waajibaadka Xajka, iyada oo ay tahay in aan badino Alle bariga, is-cafinta iyo sadaqada.

Munaasabaddan farxadda Ciidda Carafo waxaan ku boorrinayaa muwaadin kasta in uu gacan ka geysto farxad gelinta dadkeenna tabaaleysan, oo ay tahay in si gaar ah looga warqabo agoonta, dadka barakacayaasha ah iyo dariska danyarta ah oo xuquuq weyn ku leh qooys kasta.

Sidoo kale, waxaa waajib ah ka shaqeynta danta guud oo amnigu ugu horreeyo, midnimada iyo wadajirka, kuwaas oo dhammaantood tiirar u ah waajibaadka diinta Islaamka.

Walaalayaal, waxaan idin xasuusinayaa in farxadda maalmahan barakaysan ee Ciidda aynu si gaar ah ugu baraarugno halista caafimaad ee dalkeenna wali ku xeeran, taas oo uu sababay cudurka COVID-19 oo ah wali khatar jirta, muhiimna ay tahay in aan muujinno taxadar, iyadoo loo hoggaansamayo talooyinka iyo awaamirta caafimaad ee lagu ilaalinayo badqabka iyo caafimaadka.

Munaasabadda Ciiddan waxaan si gaar ah ugu hambalyeynayaa Ciidamadeenna geesiyaasha ah ee har iyo habeenba u taagan difaaca dadka iyo dalka, anigoo ku bogaadinaya dadaalka muuqda ee ay ku xaqiijiyeen amniga iyo nabadgeliyada shacabka Soomaaliyeed.

Ugu danbayntii, waxaan Eebbe ka baryayaa in uu Ciiddan Ciiddeeda inagu gaarsiiyo dalkeenna oo nabad iyo barwaaqo ah, kuna sii tallaabsada jidka horumarka.

CIID WANAAGSAN

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...