Baydhabo (Halqaran.com) – Wasaaradda Kaluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ee Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa soo saartay digniin ku socota Kaluumeysatada ku nool deegaannada maamulkaas, iyada oo looga digayo waxyeelo kasoo gaarta dabeylaha laga cabsi qabo inay dhacaan.
War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Kaluumeysiga ayaa waxaa lagu sheegay, iyada oo gudaneysa Waajibaadkeeda ay uga digeyso Kalumeysaatada dabeylaha uu wato roobka xagaagada ee ka da’aya dalka, kaas oo saameyn ku yeeshay Badda gar ahaan deegaannada Koonfur Galbeed.
Wasaaradda waxaa ay sheegtay in Roobka dabeylaah wata ee ka da’aya dalka ay sababtay in Badda deegaannada koonfur Galbeed ay ku geeriyoodaan 6 Ruux sidoo kalena la la’yahay 13 doomo Kalluumeysi.
”Wasaaradda Kalluumeysiga oo ka taxadareysa badqabka Kalluumeysatada naaquudayaasha iyo hantidoodabada ay muhiim u tahay waxaay ku wargelineysaa inay ka joogsadaan gelista Badda inta Cimilada Badda ay wax iska bedelayaan oo Culimada saadaasha ay noogu sheegeen in ilaa Bisha Octoober ay dabeylaha socon doonaan ayaa lagu yiri” Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Kalluumeysiga Koonfur Galbeed.
Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ee Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa uga digtay doomaha yar yar ee Ganacsiga ee deegaannada Koonfur Galbeed iyo Dhalinyarada aada Xeebaha inay Badda galaan.
Ugu dambeyn, amaraan kasoo baxay Wasaaradda Kaluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli dhawan doon ku rogmatay Xeebta Magaalada Marka ay dad ku dhinteen kuwo kalena la la’yahay.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com






