Sunday, June 7, 2026
26.3 C
Mogadishu

Maxaa ka soo baxay Kulankii dhexmaray Madaxweynaha Galmudug iyo Duqa Muqdisho?

Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynaha maamulka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa hoyga uu ka dagan yahay Muqdisho Ku qaabiley Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish).

Labada mas’uul oo Kulan gaar ah yeeshay ayaa waxaa ay ka wada hadleen xaalada siyaasadeed ee dalka oo xilli kala-guur ah lagu jiro iyo sidoo kale wada-shaqeyn dhex-marta maamulka Galmudug iyo maamulka Gobolka Banaadir.

Kulanka labadan mas’uul wixii ka soo baxay oo aan warbaahinta lala wadaagin ayaa wararka qaar waxaa ay sheegayaan in Madaxweynaha Galmudug uu Guddoomiyaha Gobolka Banaadir kala hadlay sidii uu uga qeyb-geli lahaa Shirka wadatashiga Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada 15-ka Bisha Agoosto uga furmaya Magaalada Dhuusamareeb.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Filish, ayaan ka qeyb-gelin shirkii dhawaan ka dhacay Magaalada Dhuusamamreeb ee Caasimadda Galmudug, kaas oo ay ka soo baxeen qodobo dhowr ah oo aan weli la fulin.

DF Soomaaliya ayaa waxaa ku dhacay isbedel, kadib markii xilka laga qaaday Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Xasan Cali Khayre, waxaana socota marxalad Madaxweyne Farmaajo uu ku soo magacaabayo Ra’iisul Wasaare cusub.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...