Sunday, May 10, 2026
29.9 C
Mogadishu

Sii-hayaha Ra’iisul wasaaraha dalka oo maanta kormeeray Bangiga dhexe

Muqdisho (Halqaran.com) – Sii-hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka, mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), oo Arbacadii maanta kormeer ku tegay Bangiga dhexe ee dalka ayaa maamulka Bangiga kala hadlay dardar-gelinta shaqooyinka Qaranka ay u hayaan iyo horumarinta dhaqaalaha dalka.

Mahdi Maxamed Guuleed oo xarunta Bangiga dhexe kulan kula qaatay guddoonka bangiga dhexe ayaa ka dhageystay sida howluhu u socdaan wuxuuna kula dardaarmay inay ku dadaadaal sii horumarinta shaqooyinka qaanka ee dhanka maaliyadda.

Bankiga dhexe ayaa mas’uul ka ah samaynta iyo maaraynta lacagta dalka, ka shaqaysiinta hannaanka xisaabeed ee dalka, abuuridda hannaanka bixinta lacagta oo midaysan iyo isku dubba rididda qorshaha dib-u-soo celina hantida qaranka

Sii-hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka Mahdi Kormeerka uu ku tegay xarunta Bangiga dhexe ayaa qayb ka ah dadaallada lagu hubinayo habsami u socodka shaqooyinka dowladda iyo kahor tagga saameyn ka dhalata isbedelka siyaasadeed, lagula soconayo hannaanka hir-gelinta qorshayaasha hor-tebinta leh ee wasaaraha xukuumadda iyo hay’adaha kale ee dawladda, sare u qaadidda isla xisaabtanka, hufnaanta iyo daah-furnaanta.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...