Sunday, May 31, 2026
28.1 C
Mogadishu

Isbeddel lagu sameeyay xeer hoosaadka Golaha wakiilada Koonfur Galbeed Somaliya

Baydhabo (Halqaran.com) – Golaha Wakiillada Dowlad goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya oo Talaadada maanta u qabsoomay kalfadhigii 1-aad kulankiisa 10-aad Akhrinta koowaad Marsiiyey Wax kabedelka Xeer hoosadka Baarlamaanka Koonfur Galbeed.

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Koofur Galbeed Soomaaliya Amb. Cali Saciid Faqi ayaa Shir Guddoomiyay kalfadhigii 1-aad kulankiisa 10-aad.

Waxaa soo xaadirtay kulankii maanta 62 xildhibaan, waxaa dhammaan loo sharraxay qodobbada wax ka bedelka lagu sameeyay iyo qodobbada ka haray xeer hoosaadka oo loo bahanyhay in laga doodo .

Guddoomiye Cali Saciid Faqi ayaa xildhibaannada u sheegay in maalinta berri ah laga doodi doono loona baahanyahay inay soo akhriyaan golaha si wax ka bedelka xeer hoosaadka uu u noqdo mid ay ka dhalan karo u gudbida hanaan dimuquraadiyada, isla markaana uu u yahay muhiim shacabka reer Koofur Galbeed.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...