Saturday, May 30, 2026
26.1 C
Mogadishu

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo maanta ka doodaya Doorashada dalka

Muqdisho (Halqaran.com) – Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Sabtida maanta Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho ku yeelan doona mid kamid ah kulamadoodii caadiga ahaa, kaasi oo Maanta xasaasi ah.

Ajendaha kulanka Xildhibaanada ayaa waxaa uu yahay ka doodista Doorashada la filayo inay ka dhacdo dalka Soomaaliya sanadkaan 2020/2021, isla markaana Guddiga Doorashada uu hordhigay Baarlamaanka.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa xalay waxaa loo diray farriimo ku aadan inuu jiro kulan weyn, loogana baahan inay kasoo qeyb galaan si loo dardargeliyo howlaha shaqo ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Xarunta Villa Hargeysa ayaa waxaa ka socda diyaar garoow ku aadan sidii uu u furmi lahaa kulankaas, waxaana Xarunta kusii qulqulaya Xildhibaannada, si ay kula qeyb galaan Dooda Doorashada 2020/2021 ka dhaceysa Soomaaliya.

Maalmihii la soo dhaafay, xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa yeelanayay kulamo kala duwan, iyagoona tan iyo markii uu furmay Kal-fadhiga 7-aad ee Baarlamaanka ay Xildhibaanada  ku ansixiyeen sharciyo kala duwan oo la horgeeyay.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...