Kismaayo (Halqaran.com) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa soo gaba gabeeyay safarkii uu ku joogay deegaannada Galmudug, wuxuuna dib ugu laabtay magaalada Kismaayo ee Caasimada KMG ah ee Jubbaland.
Axmed Madoobe, waxaa garoonka diyaaradaha Sayid Maxamed Cabdille Xasan ku soo dhaweeyay labada Madaxweyne ku xigeen guddoonka Baarlamaanka iyo masuuliyiin kale.
Madaxweynaha Jubbaland oo Shir jaraa’id ku qabtay Xarunta Madaxtooyada ayaa ugu horayn waxaa uu u mahadceliyay Xukuumada iyo shacabka Galmudug sidii qiimaha lahayd ee ay usoo dhaweeyeen martidii kala duwanayd ee ka qayb-gashay shirkii wadatashiga ahaa ee dhawaan halkaas lagu soo gaba gabeeyay.
Axmed Madoobe ayaa xusay in wada hadallada iyo kulamada noocan ah oo la joogteeyo ay wax badan ka gaarayso in loo jihaysto Doorasho la isku raacsan yahay in dalka ay ka dhacdo taas oo hada laga wada shaqaynayo sidii shirarka iyo kulamada arintan lagaga tashanayo ay usii socon lahayeen, isla markana hadda gudiyo loo saari doono in ay diyaariyaan waxyaabaha diiradda lagu saarayo kulanka soo socda ee ka dhacaya Dhuusomareeb.
Sidoo kale, Madaxweynaha Jubbaland, ayaa sheegay in Doorashada oo xiligeeda ku dhacda ay wax badan ka tarayso geedi socodka Siyaasada iyo hormarka dalkeena, isagoo xusay in mudo kororsi ama xiliga Doorashada oo dib loo dhigo ay ka dhalanayso caqabado aan xalkoodu sahlanayn.
Madaxweynaha ayaa intaasi ku daraya in si qoto dheer looga wada hadlay khilaafka ka dhexjiray Dowlada Federaalka ah iyo Jubbaland, isla markana la is tusayo in xal waara laga gaaro kala aragti duwanaanta iyo sidoo kale in la dhammayn doono xaalada ka jirta Gobolka Gedo.
Wuxuu dadka reer Jubbaland ugu baaqay in howshaas ay ku gacan siiyaan masuuliyiintooda, isla markana loo baahan yahay in laga wada shaqeeyo sidii horay loogu socon lahaa.
Ugu damebyn Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe ayaa sheegaya, in Khilaafka Jubbaland iyo DF Soomaaliya laga shaqaynayo sidii xal looga gaari lahaa ka hor shirka Dhuusomareeb ee soo socda, isla markaana farsamo ahaan la bilaabay sidii loo soo afjari lahaa khilaafka muddada soo jiray.
Axmed Madoobe ayaa madaxdii kala duwaneyd ee shirkii Dhuusamareeb ka geybgashay uga mahadceliyay sida ay uga go’neyd in laga helo hannaan cusub oo dib loogu billaabi karo shirarka la mid kuwa hadda qabsoomay.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





