Sunday, April 26, 2026
24.9 C
Mogadishu

UPDATE: DF Somaliya oo Nus Milyan oo doollar ah ugu deeqday Fatahaadda Afgooye

Muqdisho (Halqaran.com) – Ra’iisul Wasaaraha JF Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre ayaa faray Wasaaradda maaliyadda in si deg-deg ah loo bixiyo $500,000 (Shan Boqol oo Kun oo Doollar) oo xukuumaddu ay u qorsheysay gurmad deg-deg ah oo loo sameeyo dadka ay saameeyeen fatahaadaha dhibaatada badan ka geystay degmada Afgooye ee gobalka Shabeellada Hoose.

Amarka RW Kheyre ayaa daba socday kulan looga hadlayay xal u helidda fatahaada Afgooye oo uu Dhuusamareeb kula yeeshay Madaxweynaha dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen).

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, ayaa sheegay in sida ugu dhaqsaha badan lagu bixinayo lacagta si loogu guuleysto qorshaha naf badbaadinta ah iyo u gurmashada kumannaanka qoys ee daadadku saameeyeen.

Waxaa degmada Afgooye laga soo sheegayaa in ay ka barakaceen 300 Qoys, halka Tuulooyinka Irdoole, Balbaley, Ballow, Jambaluul, Mareeray, Sabiib iyo Caanoole, ay Guryahooda ka baxeen 1500 oo Qoys.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...