Sunday, April 26, 2026
31.2 C
Mogadishu

Wasiir Goodax: ‘‘Waa la xiray dadkii qal-qal geliyay Imtixaanka‘‘

Muqdisho (Halqaran.com) – Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federalka Somaliya Cabdulaahi Goodax Barre, ayaa sheegay Booliska inay xireen shaqsiyaad qayb ka qaatay iski day qalqal gelinta Imtixaanka Shahaadiga Dugsiga Sare ee maanta la soo gaba gabeynaayo.

Sidoo kale, wasiirka ayaa sheegay  inay ku daba joogaan shaqsiyaad Siyaasiyiin ah oo isku dayay inay fashiliyaan Imtixaankaasi, soona sameeyay muuqaalo been abuur ah oo la rabay Imtixaanka in lagu qal qal geliyo.

Goodax Barre ayaa sheegay inay si adag ula xisaabtami doonna dhammaan dadka caadeystay in ay imtixaanka siyaasadeeyaan.,waxaana uu ka codsaday dhammaan Ardayda ummadda Soomaaliyeed in aysan saameyn ku yeelan dadka u istaagay in ay niyad jabiyaan waa sida uu hadalka u dhigay.

Booliska Soomaaliya ayaa horay digniin uga soo saaray in aan bara bagaando laga abuurin imtixaanka ay Wasaaradda waxbarashada Dowladda Soomaaliya qaadeyso qofkii lagu arkaana ay tallaabo ka qaadi doonaan sidoo kalena ay jiraan dad ay xir xireen.

Arbacada maanta ah ayaa la filayaa in la soo gaba gabeeyo Imtixaanka shahaadiga Dugsiga Sare oo Wasaaradda Waxbarashada Somaliya ay qaadeyso.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...