Muqdisho (Halqaran.com) – Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Cabdinaasir Daa’uud Guuleed, ayaa ka hadlay dhismihii saddexda dabaq ka koobnaa, ee xalay ku dumay Degmada Xamarweyne.
Duqa Muqdisho oo saqdii dhexe ee xalay ka soo muuqday Warbaahinta ayaa sheegay in la baari doono, waxa dhabta ahi ee keenay burburka dhismahaasi.
Guddoomiyaha ayaa iftiimiyay in roobabkii ka da’ay Magaalada Muqdisho, ay sababi karaan burburka dhismahaan qadiimiga ah, balse ay samayn doonaan baaritaan, ay kaga gungaarayaan.
Wuxuu kaloo sheegay, marka sidaan oo kale ay roobabka uga da’aan Magaalada Muqdisho, ay dhacdo inay soo dumaan guryaha qadiimiga ee Degmooyinka Xamarweyne iyo Shangaani.
Sidoo kale, Duqa Muqdisho ayaa sheegay gurmad ballaaran ka dib in burburka dhismaha laga soo saaray 17 qof, kuwaa oo 5 ka mida ay soo gaareen dhaawacyo fudud.
Waxay aheyd, khamiistii markii uu soo dumay dhisme ku yaalay deegaanka Garisbaaley ee duleedka Magaalada Muqdisho, kuna dhinteen afar carruur oo hal qoys ka soo wada jeeday.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





