Muqdisho (Halqaran.com) – Madasha Xisbiyada Qaran oo shir Zoom deg deg ah yeelatay ayaa farriin xasaasi ah oo la xiriirta xaaladda fatahaadda dalka la wadaagtay Dowladda Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah.
Madasha Xisbiyadda ayaa dowladda Soomaaliya ka dalbatay in si deg deg ah loo caawiyo Shacabka Magaalada Afgooye.
Sidoo kale, waxaa ay sheegtay in ay qeyb qaadan doonto gurmadka dadka ku dhibaateysan Afgooye.
Warbixin ay soo saartay Wasaaradda gar-gaarka iyo maaraynta musiibooyinka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Kumanaan Qoys oo ku noolaa Degmada Afgooye iyo guud ahaan Gobolka Shabeellada hoose ay saamayn ba’an ku yeelatay fatahaadda Webiga Shabeelle.
Waxaa degmada Afgooye laga soo sheegayaa in ay ka barakaceen 300 Qoys, halka Tuulooyinka Irdoole, Balbaley, Ballow, Jambaluul, Mareeray, Sabiib iyo Caanoole, ay Guryahooda ka baxeen 1500 oo Qoys.
Halka hoose ka daawo War-murtiyeedka Madasha Xisbiyada Qaran:
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com






