Garoowe (Halqaran.com) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa loo doortay guddoomiyaha cusub ee Urur Siyaasadeedka KAAH.
Urur Siyaasadeedka Puntland ee KAAH oo ku howlanaa shirweynihiisa koowaad ayaa Sabtidii shalay doortay hoggaamiyaha rasmiga ah ee Ururkaasi iyo labadiisa ku xigeen.
Golaha Dhexe ee Urur Siyaasadeedka KAAH, ayaa Guddoomiyaha Rasmiga ah u doortay Maddaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.
Sidoo kale, waxaa guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Urur siyaasadeedka KAAH loo doortay, madaxweyne ku-xigeenka Puntland, Axmed Cilmi Cismaan, halka guddoomiye ku-xigeenka labaadna loo doortay guddoomiyaha golaha Wakiillada, Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com









