Tuesday, May 12, 2026
27.3 C
Mogadishu

Meydka madaxweynihii hore ee Puntland oo maanta lagu aasay Garoowe +(SAWIRRO)

Garoowe (Halqaran.com) – Alle ha u naxariistee Madaxweynihii hore ee Puntland, marxuum Maxamed Cabdi Xaashi ayaa Arbacada maanta ah Aas Qaran loogu sameeyay Magaalada Garoowe ee Xarunta Puntland.

Aaska marxuumka ayaa waxaa ka soo qeybgalay, Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, Madaxweyna Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam, Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), Gudoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Somaliya, Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil iyo Kuxigeenadiisa, Madaxweynihii hore ee Puntland, Senator Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole, Masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda DFS iyo Dowladdaha Xubnaha ka ah DFS , isimo, siyaasiyiin, saraakiil ciidan iyo masuuliyiin kale.

Dhamaan masuuliyiintaan ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Madaxweynihii hore ee Maamulka Puntland oo maanta la aasay Magaalada Garoowe.

Meydka marxuumka ayaa waxaa laga soo qaaday Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaasi oo ah meeshii uu ku geeriyooday todobadkaan gudihiisa.

 

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...