Saturday, April 18, 2026
28.5 C
Mogadishu

Wararkii ugu dambeeyay Xiisadda u dhexeysa Puntland iyo Somaliland ee Sool

Buuhoodle (Halqaran.com) – Cutubyo ka tirsan Ciidamada Somaliland oo ku hubaysan Gaadiidka Dagaalka ayaa gaaray deegaanno ka tirsan Cayn, xilli wafdi ka socda Puntland uu ku suganyahay Magaalada Buuhoodle.

Ciidamada Somaliland oo markii hore watay 9 Gaadiidka dagaalka ah ayaa geereen deegaanka loo yaqaanno Tuula Samakaab oo qiyaastii 40 KM dhanka waqooyi kaga beegan Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool, sida dadka deegaanka ay sheegeen.

Maleeshiyaad kusugan duleedka Buuhoodle, horeyna ula wareegtay Somaliland ayaa diiday in wafdiga Puntland ee shalay tagay magaaladaas ay u gudbaan deegaanka Horufadhi oo ay subixii Talaadada maanta ay aadi lahaayeen.

Ciidankan ayaa gaadiidkooda dagaalka geeyey wado muhiim ah oo ay mari lahaayeen wafdigan, waxayna sheegeen in aysan aqbaleynin, rasaas ayaana laga maqlay gudahooda ah.

Odayaasha dhaqanka ayaa doonaya in laga hortago colaad cusub, iyadoo mid beelood la xalinayo.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...