Monday, June 22, 2026
25.9 C
Mogadishu

Madaxweynihii hore ee Puntland oo geeriyooday

Nairobi (Halqaran.com) – Allaha u naxariistee waxaa xalay Magaalada Nairobi ku geeriyooday Madaxweynihii hore ee maamulka Puntland, Maxamed Cabdi Xaashi oo muddooyinkii ugu dambeysay ku xanuunsanaa dalka Kenya.

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ka tacsiyadeeyay geerida ku timid Madaxweynihii hore ee Puntland, soona noqday Madaxweyne Ku-xigeenkii ugu horeeyay ee Puntland yeelato.

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Puntland ayaa lagu yiri “Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaya magaciisa, kan Golelayaasha Dowladda iyo kan Shacabka Puntland ayaa ka tacsiyeeyey geerida Alle ha u naxariistee Madaxweynihii hore ee Dowladda Puntland, Maxamed Cabdi Xaashi oo ku geeriyooday Magaaladda Nairobi ee dalka Kenya.

Alle ha u naxariistee Madaxweynihii hore Dowladda Puntland Marxuum Maxamed Cabdi Xaashi wuxuu ka mid ahaa Aasaasayaashii ka soo shaqeeyay dhismaha Dowladda Puntland, sidoo kale waxaa uu soo noqday Madaxweyne Kuxigeenkii ugu horeeyay ee Puntland.

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni waxa uu uga tacsiyaynayaa geerida marxuumka shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan Puntland, eheladii, asxaabtii, qaraabadii iyo qoyskii uu ka baxay, waxaana uu Alle uga baryayaa marxuumka inuu dembigiisa dhaafo, su’aasha qabriga u sakhiro, kuna abaalmariyo Jannatul Fardawsa.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...