Monday, May 25, 2026
26.2 C
Mogadishu

M/weynaha Koonfur Galbeed: ”Ciidamada Militariga waa inay ka baxaan Baydhabo”

Baydhabo (Halqaran.com) – Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed ayaa amar ku bixiyay in dhamaan Ciidanka xoogga dalka ay ka baxaan Magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha waxa uu sheegay in Ciidanka laga doonaayo in ay taggan saldhigyadda ay ku leeyihiin duleedka Magaalada iyo sidoo kale furamaha dagaalka, islamarkaana Askari Militari oo hubeysan aan lagu dhex arki karin Magaalada Baydhabo.

Waxa uu sheegay in Ciidanka Militariga ay ka qayb qaateen dilkii shalay Magaalada Baydhabo beer ku taalla loogu geystay dad Shacab ah oo uu ka mid ahaa ganacsade si weyn looga yaqaanay Baydhabo oo Cali Marguus lagu Magacaabo.

Saraakiisha Ciidanka ayuu ku amray in ay soo qabtaan Askartii dilka ka dambeysay, islamarkaana sidda ugu dhaqsiyaha badan Maxkamad loo horkeeno.

Xiisa dagaal oo salka ku haysa dilkii loo gaystay dad shacab ah oo Magaalada Baydhabo lagu dilay ayaa halkaasi ka taagan waxaana laga cabsi qabaa dilal kale inay ka dhacaan Magaalada gudaheeda.

Hadalkaan ayaa Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed wuxuu ka jeediyay Aaska Allaha u naxariistee Ganacsade Markuus.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...