Sunday, April 19, 2026
28.2 C
Mogadishu

Aqalka sare oo waxba kama jiraan ku tilmaamay Afar xeer oo uu Ansixiyay golaha shacabka

Muqdisho (Halqaran.com) – Warqad kasoo baxday guddoomiyaha Aqalka Sare ee Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa waxbo kama jiraan ku tilmaamay Afarta xeer ee qabyo tirka u ahaa sharciga doorashooyinka Qaranka oo ay dhawaan ansixiyeen Golaha Shacabka.

Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa ugu baaqay Guddiga doorashooyinka inta laga saxayo aysan xeerarkaasi u isticmaali karin doorashada Qaranka, islamarkaana aan loo isticmaali karin doorashooyinka dalka.

Aqalka sare ayaa difaacay kaalinta mugga leh uu ku leeyahay ansixinta sharciyada.

Sidoo kale, Aqalka Sare ayaa sharci darro ku tilmaamay qoraalka Guddoomiyaha Golaha Shacabka u diray Wasaaradda Dastuurka ee ahaa qaraarka Matalaadda Gobolka Banaadir ee Aqalka Sare, iyagoo sheegay in qoraalkaas uu xadgudub ku yahay habraaca xeer dejinta dalka ee ku qeexan Cutubka 6aad madaxa afaraad ee Dastuurka KMG.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...