Sunday, May 17, 2026
27.1 C
Mogadishu

Wararkii ugu dambeeyay weerar khasaare geystay oo ka dhacay inta u dhaxeysa Balcad & Qalimow

Sh/dhexe (Halqaran.com) – Wararka naga soo gaaraya Gobolka Shabellaha dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay weerar gaystay Khasaare oo lala eegtay Ciidamada dowladda.

Gaadiid ay wateen Ciidamada Dowladda oo ka ambabaxay Magaalada Muqdisho ayaa qarax miino lagula eegtay inta u dhaxeysa degmada Balcad iyo degaanka Qalimow, isla markaana uu xigay weerar toos ah oo ciidamada lagu qaaday, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal dhex-maray Ciidamada Dowladda iyo maleeshiyo ka tirsan Al-Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya, in dagaalkaasi uu ka dhashay Khasaare dhimasho iyo dhaawac labada dhinac, waxaana la sheegayaa ugu yaraan Saddex Askari oo dhinacyadii dagaalamay inay dhinteen.

Warbaahinta taageerta Al-Shabaab waxa ay sheegeen inay dagaalkaasi ku gubeen Booyad Shidaal u waday Ciidamada Burundi ee ku sugan Magaalada Jowhar.

Wadada isku xirta Jowhar iyo Muqdisho ayaa ammaankeeda wuxuu yahay mid aanan wanaagsaneyn, oo inta badan waxaa ka dhaca falal lidi ku ah ammaanka oo Shabaab ay gaystaan.

Waxay aheyd Axaddii shalay markii maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ay gaari kala dageen Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaanka Hirshabelle, kadibna ay ku dileen deegaanka Yaaqle ee Gobolka Shabellaha dhexe.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...