Friday, May 1, 2026
27 C
Mogadishu

Al-Shabaab oo sheegtay inay dileen Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Hirshabelle oo ay qafaasheen

Muqdisho (Halqaran.com) – Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay inay dileen Xildhibaan Xaaji Maxamed Maxamuud oo ka tirsanaa baarlamaanka maamulka Hirshabelle, kaddib markii ay saaka ka afduubteen gaari uu la socday oo marayay inta u dhaxeysa magaalooyinka Jowhar iyo Balcad.

Baraha wararka ee dhinaca internet-ka ee taageera Ururka Al-Shabaab ayaa lagu baahiyay in Al-Shabaab ay qafaasheen xildhibaankaasi, ayna dileen.

Xildhibaankan oo magaciisa lagu sheegay Maxamed Maxamuud Siyaad ayaa laga qafaashay xilli gaariga uu maraayay meel ku dhaw deegaanka Gololey.

Wararka ayaa sheegaya, maleeshiyada Al-Shabaab ka tirsan ee qafaashay Xildhibaankaan in ay ku dileen deegaanka Yaaqle oo ka tirsan Gobolka Shabellaha Dhexe.

Gaariga uu la socday Xildhibaanka oo ahaa Baabuurta shacabka ayaa la sheegay inay kala soo dageen, kadibna ay fasaxeen dadkii saarnaa.

Ma jiraan ilaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay maamulka Hirshabelle oo la xiriirta dhacdadaasi.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...