Thursday, May 28, 2026
26.6 C
Mogadishu

DHAGEYSO: ‘‘Golaha Shacabka way ka go’an tahay inuu hirgelo matalaadda Gobolka Banaadir‘‘, Guddoomiye Mursal

Muqdisho (Halqaran.com) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa sheegay in Golaha Shacabka ay ka go’an tahay in uu hirgalo maqaam gaar ah oo uu yeesho Gobolkan Banaadir.

Mursal ayaa xusay, in aysan jirin dad ka horyimid in Muqdisho ay hesho matalaad rasmi ah, hayeeshee hadallada qaar si kala duwan loo fasiray, waxaana uu sheegay in ay muhiim tahay in Gobolka Banaadir si sharci ah uu matalaad ku helo.

“Qof walba oo muwaadin Soomaaliyeed ah xaq ayuu u leeyahay in uu ka hadlo arrinta Gobolka Banaadir, maadaama uu nasiib u helay inay noqoto Caasimadda Ummadda Soomaaliya, taasina waa waajib na wada saaran ayuu yiri” Guddoomiye Mursal.

Guddoomiyaha golaha shacabka ee BF Soomaaliya ayaa waxaa uu sheegay in ilaa laga helayo maqaam uu yeesho Gobolka Banaadir aan laga heri doonin addka diidana la iska hor leexin doono.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...