Tuesday, April 21, 2026
28.7 C
Mogadishu

Askari qof rayid ah ku dilay Dhuusamareeb

Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya, in askari ka tirsan ciidanka booliska uu qof shacab ah ku dilay magaaladaasi.

Dilkan ayaa waxa uu ka dhacay xaafadda Waaberi ee Magaalada Dhuusamareeb, kadib markii sida la sheegay askariga iyo qofka shacabka muran uu soo kala dhex galay.

Askariga dilka gaystay ayaa durbadiiba meesha ka baxsaday, waxaana goobta tagay Ciidamada Booliska oo halkaasi maydka ka qaaday, kadibna bilaabay raadinta Askariga dilka gaystay.

Waxaa maalmihii dambe sii kordhaya dilalka Askarta Booliska ay u gaysanayaan dadka rayidka haddii ay tahay Gobolada dalka iyo haddii ay tahay Magaalada Muqdisho.

Ilaa iyo hadda weli kama aysan hadlin saraakiisha ammaanka magaalada Dhuusamareeb dilkii loo gaystay qofkii shacabka ahaa.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...