Saturday, May 23, 2026
28.9 C
Mogadishu

Muxuu ka yiri Xasan Sheekh hadalkii Xaliimo Yareey ee doorashooyinka Qaranka?

Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta Warbaahinta kula hadlayay Muqdisho ayaa ka hadlay go’aankii Xildhibaannada Golaha Shacabka ku ansixiyeen 13 Kursi oo Gobolka Banaadir uu ka helayo Aqalka Sare iyo hadalkii Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhaweeyay mataalada Gobolka Banaadir ee Aqalka Sare, isaga oo sheegay inay tahay tallaabo horay loo qaaday.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, ayaa waxa uu u mahadceliyay Xildhibaannada Golaha Shacbaka ee BF Soomaaliya ee ansixiyay Matalaada gobolka Banaadir.

Sidoo kale, Xasan Sheekh ayaa ka hadlay hadalkii Guddoomiyaha Aqalka Sare oo ay ku sheegtay in loo baahan yahay muddo 13 Bilood ah si doorasho loo qabto, waxaana uu sheegay in haalkaasi uu yahay Muddo kordhin riman muddo kordhin kale.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, hadalkiisa ayaa imaanaya, xilli qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha Mucaaradka ay kasoo hojeesteen hadalkii Guddoomiye Xaliimo yareey, halka kuwo kale ay ka aamusan yihiin.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...