Muqdisho (Halqaran.com) – Wasiirka Gaadiidka iyo duulista hawada ee Xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar) ayaa maanta sheegay in markale dib loo dhigay furitaanka duulimaadyada Gudaha dalka Soomaaliya.
Wasiir Oomaar oo Warbaahinta Qaranka la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in sabab la xiriirta iyadoo laga taxadarayo faafitaanka cudurka Covid-19 dib loogu dhigay furitaanka duulimaadyada, hayeeshee uusan sheegin xilliga rasmiga ah ee dib loo furayo.
Wasaaradda Gaadiidka iyo duulsta hawada ayaa 28-kii Bishii Maarso ee sanadkaan 2020 ku dhawaaqday in la joojiyay duulimaadyada Caalamiga ah ee yimaada Soomaaliya iyo kuwa ka baxa, kadib markii kiisaskii ugu horreeyay ee Coronavirus xilligaas laga helay Soomaaliya.
Waxaa si weyn loo hadal hayay, in 3-da bishaan dib loo furayo duulimaadyada, iyada oo sidoo kale dowladda Soomaaliya ay dhowr jeer dalka dib ugu soo celisay muwaadiniin ku xayirnaa qaar kamid ah dalalka Caalamka.
Kiisaska Coronavirus ee gudaha Soomaaliya ayaa waxaa ku yimid hoos u dhac weyn, waxaana yaraaday walaacii Bulshada ay ka qabtay cudurkaan, maadaama adduunka uu hadda fur-furmaayo.
Ugu dambeyn, dadka falanqeeya Siyaasadda Soomaaliya ayaa sheegaya in duulimaadyada ay u xiran yihiin arrimo Siyaasadeed, islamarkaana shacabka dhibaato ay kala kulmaan arrintaasi.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





