Sunday, June 28, 2026
26.1 C
Mogadishu

Faah-faahin ku saabsan Madaafiicdii Al-Shabaab iyo AMISOM ay isku waydaarsadeen Degmada Balcad

Balcad (Halqaran.com) – Waxaa faah-faahin dheeraad ah ka soo baxay tiro madaafiic ah oo ay Al-Shabaab ku garaaceen xalay Saldhiga Ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin degmada Balcad ee gobolka Shabellaha Dhexe.
Saldhiga Ciidamada AMISOM ay ka degan yihiin Degmada Balcad ayaa waxa uu ku yaallaa agagaarka Warshadii hore ee Dharka ee ku taalla Xaafada Xaawa Taako ee degmada Balcad, waxaana degan Ciidamada Burundi.

Dadka ku nool Degmada Balcad ayaa warbaahinta u sheegay, in xalay ay ku seexdeen xaalad argagax leh, kadib markii AMISOM iyo Al-Shabaab ay madaafiicda is-weydaarsanayeen.

Maleeshiyada Ururka Al-Shabaab ayaa la sheegay Madaafiicda inay ka soo tuurayeen beero ku yaallo duleedka Degmada Balcad.

Lama oga Khasaaraha ka dhashay Madaafiicdaasi.

Sidoo kale, Wararka ayaa sheegaya, in ciidamada AMISOM ay dhankooda jawaab ka bixinaayay Madaafiicda oo ku garaacayay jihada Al-Shabaab ay ka soo tuurayeen Madaafiicda.

Weli kama aysan hadlin saraakiisha AMISOM iyo maamulka degmada Balcad, madaafiicdii la isku waydaarsaday degmada Balcad iyo haddii uu jiro khasaare.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...