Saturday, May 2, 2026
28.1 C
Mogadishu

XOG: Cabsida iyo walwalka Amniga ee Wasiirrada dowlada Somaliya oo sii kordhaya (Maxaa cusub?)

Muqdisho (Halqaran.com) – Sida wararka ay ku helayso Halqaran.com, ayaa sheegaya, in ay wasiiradda Xukuumaddu blilaabeen hab dhaqan cusub oo la xariira ammaankooda, ka dib markii ay diideen in xaafiisyadooda nadiifiyayaal loo diro, sidaas oo kalena ay jeebabkooda gashadeen furayaasha xaafiisyada.

Arrintan ayaa ka dhigan ficillada ammaanka oo gaaray halkii ugu hooseysay ay cabsiduna ka billaabatay wixii ka dambeeyey weerarkii lagu qaaday xarunta gobalka Banaadir.

Wasiirradda qaarkood ayaa sheegay in aysan marnaba aamineyn cidna, sidaas awgeedna ay waajib tahay in sidan ay sameeyaan si ay u xaqiijiyaan ammaanka.

Shaqaalaha aan joogtada iyo muhiimka aheyn ee wasaaraddaha ayaa laga joojiyey imaanshaha wasaaraddaha qaarkood, waxaana la muujiyey walaaca ammaanka oo gaaray meel xun.

Wasiiraddu waxay u arkeen ficilkii lagu qarxiyey allaha u naxariistee Guddoomiyihii gobolka Banaadir Eng. Yariisow oo xaafiiskiisu ku yaalay halka ugu ammaanka badan ee Muqdisho in ay tahay arrin iska fududaan karta in xaafiisyada qaraxyo lagu diyaariyo.

Tallaabada ay wasiirradda iyo madaxda dawladdu ku dhaqaaqeen ayaa kusoo beegmaysa xili baaritaanada hordhaca ah ee lagu sameeyey weerarkii xarunta gobalka Banaadir, ay muujinayaan in wax badan oo qariban ay dhex socdaan dawladda, gaar ahaana waxa loo yaqaano Labo shaarlayaasha.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...