Saturday, May 30, 2026
27.4 C
Mogadishu

Madaxweynaha JF Somaliya oo Shir ku casuumay Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada

Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynaha JF Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa casuumaad rasmi ah oo ku saabsan Shirka Golaha Amniga Qaranka u fidinaya Madaxweyneyaasha maamul Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir.

Shirkan ayaa ku saabsan sidii wadatashiyo ballaaran looga yeelan lahaa geeddi socodka doorashooyinka dalka, arrimaha amniga, dagaalka ka dhanka ah kooxaha argixisada, dhammeystirka dib u eegista dastuurka iyo horumarinta dhaqaalaha dalka.

Sidoo kale, waxaa jira shir hordhac ah oo ku qabsoomaya aaladda la iska arki karo kaasoo lagu qiimeynayo dadaallada wadajirka ah ee haatan socda ee lagula dagaallamayo cudurka Coronovirus, sidii loo sii xoojin lahaa ka hortaggiisa iyo culeyska dhaqaale ee ka dhashay .

Jadwalka uu ku qabsoomayo Shirka Amniga Qaranka waxaa ka shaqeynaya guddiyo farsamo oo ka kooban dhammaan dhinacyada kasoo qeybgalaya si loo sii amba qaado wadatashiyada arrimaha masiiriga ah ee dalka iyo xoojinta wada shaqeynta Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah.

Madaxtooyada Soomaaliya waxa ay adkaynaysaa muhiimadda shirkan, maadaama uu dhammeystir u yahay guulaha siyaasadeed, amni iyo dhaqaale ee ay wadajirka u xaqiijiyeen shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, waxa uuna shirku jihaynayaa hannaanka dimuqraadiyeed ee dalkeenna.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...