Friday, April 17, 2026
28.8 C
Mogadishu

Wasiirka arrimaha gudaha iyo guddoomiye Xaliimo Yarey oo la kulmay guddoonka BF Soomaaliya

Muqdisho (Halqaran.com) – Kulan ay isugu yimaadeen Guddiga Arrimaha Gudaha, Maamulada Gobolada iyo Amniga ayaa Khamiista maanta ah ka dhacay xarunta Villa Hargeysa.

Ajandaha kulanka ayaa ku saabsanaa wax ka beddelka iyo Kabista Sharciga Axsaabta Siyaadda dalka.

Kulanka waxaa shir guddoominayey Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka mudane Cabdiwali Sheekh Ibraahim Muudey, sidoo kale waxaa goob joog ahaa guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad.

kulanka waxaa ka soo qeyb galay wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Cabdi Maxamed Sabriye iyo Guddoomiyaha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil (Xaliimo Yareey).

Wasiirka arimaha guddaha iyo guddoomiyaha gudiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka ayaa guddoonka golaha shacabka iyo Guddiga Arrimaha Gudaha, Maamulada Gobolada iyo Amniga uga warbixiyay wax ka badel ay si wadajir ah ugu sameeyeen Sharciga Axsaabta Siyaadda.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha shacabka mudane Mahad Cabdalla Cawad oo kulanka soo xiray ayaa uga mahadceliyay Wasiirka arrimaha gudaha Cabdi Maxamed Sabriye iyo guddoomiyaha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yareey) sida wanaagsan oo ay uga wada shaqeeyeen wax-ka-beddelka iyo Kabista sharciga Axsaabta Siyaasadda dalka.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...