Saturday, May 9, 2026
27.3 C
Mogadishu

Update: Wasaaradda Caafimaadka oo diiwaan-gelisay 85 kiisas cusub oo Covid-19 ah

Muqdisho (Halqaran.com) – Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijisay in Sabtida maanta ah guud ahaan dalka laga diiwaan-geliyay 85-kiis cusub oo cudurka Coronavirus.

Wasaaradda Caafimaadka ayaa xustay in dhammaan maamul goboleedyada iyo Gobolka Banaadir laga helay kiisas cusub oo Covid-19.

Qoraal ay wasaaradu soo saartay ayaa waxa ay ku sheegtay, in Somaliland laga helay 29, Gobolka Banaadir 19, Galmudug 17, Jubbaland 14, Koofur galbeed 5 iyo Hirshabeelle oo 1 ruux ah.

24-kii saac ee la soo dhaafay, waxaa cudurka Coronavirus ka bogsaday, 13 qof, waxaana u geeriyooday 3 ruux.

Guud ahaan tirada kiisaska Covid-19 ee dalka Soomaaliya ayaa hadda mareysa 2,289 ruux, tirada bogsatay waa 431, halka tirada guud ee dhimashada ay tahay 82 qof.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...