Tuesday, April 28, 2026
29.7 C
Mogadishu

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo ku baxay dagaalkii ka dhacay Dayniile +(SAWIRRO)

Muqdisho (Halqaran.com) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho; Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa ku baxay xalinta shaqaaqo dagaal oo xaafada Cara-Guduud ee degmada Dayniile ku dhaxmartay maamulka degmada Dayniile iyo ciidama hubeysan oo ay maamulka degmada ku sheegeen in ay dhulboob sameynayaan.

Ciidanka hubaysan ayaa la sheegay inay ka kala tirsanaayeen Maamulka Deegaanka Garasbaaley, Koontaroolka Siinkadheer iyo Ciidan la sheegay inay hoostagaan Sarkaal lagu magacaabo Nuur Xayir.

Ciidankaasi ayaa qorshahooda wuxuu ahaa inay dhistaan dhul goofaf ah oo halkaasi ku yaallo, balse Maamulka Degmada Dayniile ayaa si adag uva hortagay arrintaasi.

Duqa Muqdisho oo ay wehliyaan ku-xigeenadiisa ayaa kormeeray goobta uu saakay ka dhacay dagaalka isagoo sheegay in si deg deg ah loola xisaabtami doono cidkaste oo ku xad gudubta sharciga.

Dagaalkaasi waxaa ku dhintay Saddex Askari oo dhinacyadii dagaalamay ah, halka sidoo kalena ay jiraan Askar dhaawacyo kale soo gaartay.

Goobihii lagu dagaalamay, waxaa jooga ciidamada ammaanka Degmada Dayniile, halkaasi oo iminka xaaladeeda tahay mid degan.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...