Friday, April 17, 2026
28.1 C
Mogadishu

Muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku xayirnaa dalka Kenya oo ku soo noqday Muqdisho

Muqdisho (Halqaran.com) – Waxaa Khamiista maanta magaalada Muqdisho soo gaaray Muwaadiniin Soomaaliyeed oo maalmihii lasoo dhaafay ku xayirnaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya, kadib markii duulimaadyadda Soomaaliya iyo Kenya la joojiyay.

Waxay tiradooda aheyd muwaadiniintan Soomaaliyeed ee maanta dib ugu soo laabtay dalkooda hooyo 114 muwaadin.

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa fududeysay imaanshaha muwaadiniinta Soomaaliyeed, kadib markii maalmihii dambe ay iska diiwaang-eliyeen xarunta Safaaradda ay ku leedahay Nairobi.

Diyaarad ayaa kasoo qaadey magaalada Nairobi, islamarkaana keentay Caasimadda Muqdisho.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa ku soo dhaweeyay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde International ee Muqdisho.

Dowladda Soomaliya ayaanan wali si rasmi ah u shaacin xilliga la furaayo duulimaadyada gudaha iyo dibadda oo loo xiray sababo ku aadan cudurka safmareenka ee Coronavirus.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...