Saturday, April 18, 2026
29.4 C
Mogadishu

UPDATE: Duqeyn dhanka cirka ah oo lagu dilay xubno ka tirsan Al-Shabaab

Sh/Hoose (Halqaran.com) – Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay duqeyn dhanka cirka ah in lagu dilay laba xubnood oo ka tirsan Maleeshiyaadka Ururka Al-Shabaab, kadib duqeyn ka dhacday nawaaxiga deegaanka Kuunya-Barow ee Gobolka Shabellaha hoose.

Wararka ayaa sheegaya, in duqeyntan ay si wadajir u fuliyeen Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya iyo Ciidanka Mareykanka ee caawiya Soomaaliya.

War-Saxaafadeed kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalkaas qeyb ka ahaa qorshe Dowladda Federaalka Soomaaliya, Midowga Afrika iyo isbahaysiga caalamiga ee sii wadidda dagaalka ka dhanka Al-Shabaab.

“Dowladda Federaalka iyo bahwadaageeda Mareynkanka ayaa si aad uga taxadara ilaalinta waxyeello soo gaara dadka rayidka ah inta lagu gudajiro duqeymaha habeysan, Hubintii la sammeeyey ayaa lagu ogaaday in duqeynta imanka dhacday aysan jirin cid shacab ah oo ku dhimatay ama ku ku dhaawacantay‘‘ ayaa lagu yiri warka kasoo baxay dowladda.

Ugu dambeyn, Mareykanka oo kaashanaya Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa horay dhowr jeer waxa ay duqeymo dhinaca cirka ah ka fuliyeen deegaano ka tirsan Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, waxaana duqeynmaha qaarkood ku waxyeeloobay dad rayid ah.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...