Hargeysa (Halqaran.com) – Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa Sabtida maanta kormeeray kulliyadda tababarka ciidanka ee Cabdilaahi Askar ee deegaanka Darar-weyne oo ay ciidamada qalabka sida siyaabo kala duwan ugu soo bandhigeen cududdooda ciidan iyo saanadda ciidan ee ay haystaan.
Taliyaha ciidanka Booliska Somaliland, Sareeyo Guuto Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale) oo madasha hadal kooban ka jeediyey, ayaa hoosta ka xarriiqay inay ka taliye ahaan ka go’an tahay horumarinta iyo dhisidda ciidanka Booliska oo kamid ah dhidibada waaweyn ee amniga qaranku ku taagan yahay.
“Madaxweyne Ciidanka Boolisku waxa ay u diyaar garoobayaan inaannu isbeddel weyn samayno oo aanu soo saarno arday yaryar oo saraakiil ah, gaadiid badan oo taladaadii iyo maskaxdaadiina ay diyaar garoobeen, iyada oo ciidanka qaranku maanta naga caawiyo wax badan oo arrimaha gudaha ahna, insha Allah sannadka soo socda waxannu u diyaar garoobi doonnaa inuu ciidanka Boolisku uu ta gudaha ka adkaado aannu ciidanka Birmad ah oo adag aanu dhisno oo ciidanka Militiriga caawiya”
Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo hadal dhinacyo badan taabanaya ka jeediyey munaasibadda, ayaa ugu horrayn hambalyo guud u diray ciidamada kala duwan ee qalabka sida, gaar ahaan kuwa goobta kusoo bandhigay cududdooda iyo agabkooda ciidan, ardayda ku jirta Carbiska shaqo qaranka iyo weliba saraakiisha kala duwan ee halkaas lagu tabobaro.
“Maanta waxa aan halkan u imi, maaddaama oo xanuunka jira ee COVID-19 dartii aynaan u samayn Karin dhoolla-tus ciidan oo ciidamada mid waliba halkiisa ku negaaday, waxannu door bidnay inaanu u nimaadno inay halkan joogaan ardaydii ku habboonayd inay metelaan ciidamada ee soo koroysay, haddii ay yihiin layli sarkaal iyo shaqo qaranba, iyo guuto kamid ah guutooyinka ciidanka oo qolada Taangiisteyaasha iyo Tignikadu ugu horreeyaan oo ahaa kuwii u diyaar garoobayey inay maraan sannadkan suuqyada magaalada,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





