Monday, May 11, 2026
29.9 C
Mogadishu

Gabadhii Soomaaliya laga sii daayay ee Talyaaniga u dhalatay oo loo hanjabay

Rome (Halqaran.com) – Maxkamad ku taalla dalka Talyaaniga ayaa furtay baaritaan ku aadan hanjabaad ka dhan ah Silvia Romano oo ah Haweeney Talyaaniga u dhalatay ee Afduubka loogu haystay Soomaaliya, sida ay qortay wakaaladda wararka ee dowladda Taliyaaniga ee ANSA.

Waxay ka shaqeyneysay arrimaha gargaarka, waxaana sannadkii 2018-kii laga afduubtay gudaha waddanka Kenya. Silvia waxaa dib loogu celiyay dalkeeda ka dib markii laga sii daayay kooxdii haysatay.

Sidoo kale wakaaladda ANSA waxay sheegtay in Silvia Romano ay ku biirtay diinta ayna la baxday magaca “Caaisha”.

Waxay la kulantay naceyb lagu faafiyay baraha bulshada iyadoo lagu eedeeyay “in aysan weji xumeyn ururka Al-Shabaab iyo in ay qaadatay diinta Islaamka”, sida ay xustay ANSA.

Xubnaha ka tirsan xisbiyada midigta fog ee Talyaaniga ayaa bilaabay olole ka dhan ah gabadhan oo naceyb abuuri kara sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Reuters.

Siyaasi ka soo jeeda gobolka Treviso ayaa barta Facebook soo dhigay muuqaal uu ku sheegayo in Silvia (Caaisha) Romano la dal dalo, waxaana markiiba Facebook laga saaray muuqaalkaas.

Muuqaalkaas waxaa wehliyay ereyo “xadgudub ah” oo ka dhan ahaa “Caa’isha” Romano.

Romano waxay aheyd samafale ka howgeli jirtay xarun lagu daryeelo carruurta agoonta ah oo ku taalla koonfur bari ee Kenya. Koox hubeysan ayaa bishii Nofembar ee sannadkii 2018-kii ka afduubatay halkaas, waxaana loo kaxeystay dhinaca Soomaaliya, waxaana la rumeysan yahay in kooxdii afduubka geysatay ay ka tirsanaayeen Al Shabaab.

Ugu dambeyn, Silvia Romano oo 25 sano jir ah, waxay Talaadadii iska xirtay barta ay ku leedahay Facebook ka dib markii ay kala kulantay qoraallo lagu aflagaadeynayo oo naceyb ah, sida laga soo xigtay wakaaladda ee dowladda Taliyaaniga ee ANSA.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...