Tuesday, May 12, 2026
27.6 C
Mogadishu

Wasiirro ka tirsan Puntland oo laga helay Cudurka Coronavirus iyo qofkii labaad oo u dhintay cudurkaasi

Garowe (Halqaran.com) – Puntland ayaa soo bandhigay natiijada dad looga shakisnaa Cudurka Coronavirus, kuwaasi oo baaritaan lagu sameeyey, islamarkaana qaarkood laga helay Fayraska Corona.

Wasiirka Caafimaadka ee dowlad goboleedka Puntland, Dr Jaamac Faarax Xasan ayaa sheegay inay korortay 24 saac ee la soo dhaafay dadka laga helayo xanuunka Covid-19, islamarkaana la baaray 22 ruux, 8 qof oo ka mid ah dadkaasi baa laga helay.

Dr. Jaamac Faarax Xasan ayaa xusay, in dadka laga helay Cudurka Coronavirus ay ka mid yihiin laba kamid ah Wasiiradda Maamulka Puntland oo xaaladooda ay tahay mid wanaagsan.

Dhanka kale, Wasiirka ayaa sheegay in qofkii labaad uu Puntland ugu geeriyooday xarunta, kaas oo ku dhintay xarunta karantiilka Garowe.

Wasiirka Caafimaadka Puntland Dr. Jamac Farax Xasan ayaa sheegay in tirada guud ee xaaladaha COVID-19 Puntland laga diiwaan geliyay ay noqonayso 59, halka labo qof ay u geeriyoodeen xanuunka.

Ugu dambeyn, maamul Goboleedyada ka jira dalka oo ay qeyb ka tahay Somaliland ayaa waxaa laga diiwaangeliyaa kiisas badan oo Cudurka Coronavirus ah, waxaana kiisaska ugu badan laga diiwaan geliyay Puntland.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...