Sunday, May 10, 2026
27.6 C
Mogadishu

Madaxweynaha Jubbaland oo war ka soo saaray saameynta fatahaadaha ay reebeen, kuna baaqay…

Kismaayo (Halqaran.com) – Madaxwaynaha maamulka Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo maanta shir guddoomiyey kulanka guddiga ka hortagga COVID-19 ee Jubbaland ayaa warbixin ka dhagaystay guddiga iyo waxyaabihii u qabsoomay guddiga tan iyo intii uu dhisnaa.

Axmed Madoobe ayaa saddex gobood oo cusub sheegay in Dowladdu u asteysay in loo isticmaalo xarumaha karantiilka ah, xarumahaas ayaa waxaa kamid ah xarunta dhalinyarada, xarunta caafimaadka ee Maxfalka iyo xarunta saddexaad oo ah xarunta xannaanada digaaga ee ku taala duleedka magaalada Kismaayo.

Sidoo kale, madaxweynaha Jubbaland ayaa Dowladda federaalka Soomaaliya, shacabka Soomaaliyeed iyo beesha Caalamka ugu baaqay in ay ka qayb qataan taakuleynta iyo u gargaaridda dadka ay saameeyeen daadadka iyo fatahaadaha.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa intaas ku daray in uu magacaabayo guddi ka shaqayn doona gurmadka iyo taakuleynta dadkaas.

Ugu dambeyn, Axmed Madoobe ayaa dhanka kale ammaanay guddigii nabadeynta beelihii walaalaha ahaa ee dhawaan dirirtu ku dhexmartay deegaannada koonfureed ee magaalada Kismaayo, waxaana uu faray in howlaha xasilinta la dhameeyo la iskuna keeno salaadiinta iyo nabadoonada beelihii dagaalama.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...