Hargeysa (Halqaran.com) – Wasaaradda Caafimaadka Somaliland ayaa Axaddii maanta xaqiijisey kiis Cusub oo ah qof laga helay Cudurka Coronavirus oo horey Somaliland looga helay.
Agaasimaha Guud Wasaaradda horumarinta Caafimaadka Somaliland Maxamed Cabdi Xargeeyo ayaa sheegay in najiida baaris lagu sameeyey qof looga shakisanaa Cudurka Coronavirus ay noqotay in qofkaasi laga helay Cudurka.
Wuxuu kaloo sheegay, agaasimaha oo ka mid ah Guddiga ka hortaga Cudurka COVID-19 in qof horey looga helay Cudurka Coronavirus, kadib baaritaan kale oo lagu sameeyey laga waayey oo uu ka caafimaadey.
Si kastaba, qofka maanta laga helay Cudurka Coronavirus ee Somaliland ayaa waxaa uu noqonayaa qofkii 4-aad ee laga helay Cudurka Coronavirus Guud ahaan Somaliland.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com






