
Baydhabo (Halqaran.com) – Wasaaradda Arrimaha gudaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa shaacisey inay shaqo joojin ku sameeysay gudoomiyaha degmada Wanlaweyn iyo ku-xigeenkiisa.
Wareegto kasoo baxdey Xafiiska Wasiir ku-xigeenka arrimaha gudaha Koonfur Galbeed ayaa waxaa lagu sheegay in guddoomiyaha degmada Wanlaweyn Maxamed Siidow Cabdiraxmaan iyo guddoomiye ku xigeenka qorsheynta Nuur Axmed (Nuur Baadiyow,) shaqada laga joojiyey
Waxaa lagu sheegay sababaha Shaqa joojinta loogu sameeyey Mas’uuliyinta degmada Walanweyn inay tahay soo jeedin ka timid guddiga isku dhafka ah ee dhibaatadii ka dhacdey degmadaas si loo xaliyo dhibaatadii ka dhacdey degmadaas.
Halka hoose ka akhriso War-saxaafadeedka:
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com







