Wednesday, April 22, 2026
26.4 C
Mogadishu

Ciidamo Boolis ah oo howlgal qorsheysan ka fuliyay xaafadaha degmada Hobyo ee gobolka Mudug

Hobyo (Halqaran.com) – Howlgalkaan oo ay xalay ciidanka Booliiska ka sameeyeen Xaafadaha Degmada Hobyo ayaa mid lagu xaqiijinayay amniga magaalada maadaama ay muddooyinkan sameeyneysay hormaro kala duwan sida dhinacyada  ganacsiga  iyo waxyaabaha kale ee aas aasiga u ah bulshada.

Howlgalkan ayaa hogaaminayay guddoomiyaha gobolka mudug Cabdiraxmaan Cali Diiriye Isxal oo maalmahaan kormeero kala duwan ku bixinayay dhamaan degmooyinka iyo deegaanada gobolka mudug ee galmudug  si loo xaqqijiyo baahiyaha bulshada.

Sidoo kale waxaa ku wehlinayay guddoomiye ku xigeenka Degmamada Hobyo Maxamuud Cawaale iyo saraakiil ka tirsan Ciidamada Booliska.

Taliyaha saldhigga demada Bashiir Cilmi Geedi ayaa masuuuliyiinta warbixin ka siiyay guud ahaan amniga magaalada iyo qorshaha ay u dejiyeen sugida amaanka.

“Hobyo amnigeeda waa mid laysku haleyn karo, Ciidamada amaankana sidii loogu talagalay ayay u shaqeeyaan sidoo kale Maamulka Degmada, Saraakiisha Ciidanka iyo bulshada wada-shaqeyn buuxda ayaa ka dhaxeysa “sidaas waxaa jiri Gudoomiye ku xigeenka Degmada Hobyo Maxamuud Cawaale

Guddoomiyaha Gobolka Mudug Cabdiraxmaan Cali Diiriye Isxal ayaa ku ammaanay Ciidanka shaqada culus ay ka hayaan Degmada, hase ahaatee loo baahanyahay in la labo jibaaro in shacabka loo gaarsiiyo nabad iyo barwaaqo.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...