Wednesday, April 22, 2026
26.4 C
Mogadishu

Puntland oo tababar u soo xirtay ciidamo loogu magac daray Galeyr (SAWIRRO)

Qardho (Halqaran.com) – Madaxweyne Ku-xigeenka dowlad goboleedka Puntland, mudane Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) ayaa Arbacadii maanta Magaalada Qardho tababar ugu soo xiray ciidan cusub, oo ay yeelanayso Puntland.

Ciidamadan oo ka tirsan Daraawiishta Puntland ayuu muddo lix bilood ah, uu tababar uga socday Xerada Ciidamada Daraawiishta Puntland ee Xorgoble.

Ciidamadan oo la magac baxay Galeyr ayaa dhoola-tus ciidan ku soo bandhigay xerada ku taala Magaalada Qardho, ka hor intii aanu tababarka u soo xirin Madaxweyne Kugeenka.

Mr. Karaash ayaa boggaadiyay dhoola-tuska Ciidamada Galeyr, iyadoo dhinaca kalena uu shahaadooyin guddoonsiiyay.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa xusay in tayeynta ciidamada iyo inay si joogto ah u hellaan mushaharaadkooda, ay tahay waxa ay ku guuleysatay maamulka uu hoggaamiyo, Siciid Cabdullaahi Deni.

Ugu dambeyn, wuxuu Axmed Karaash Ciidamada Galeyr kula dardaarmay in ay noqdaan kuwo, sida ay tahay u guta waajibaadka saaran.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...