Kismaayo (Halqaran.com) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada hoose ayaa sheegaya in halkaasi xalay lagu diley qof Shacab ah qof kalena oo kamid ahaa dadka Magaalada la dhaawacay.
Mid kamid ah dadka Magaalada Kismaayo oo la hadlayay warbaahinta magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay in maleeshiyaad hubeysan ay dileen Wiil Dhalinyrao Arday ahaa, sidoo kalena ay dhaawaceen Haweeneey kamid ah dadka Magaalada Kismaayo.
Wuxuu kaloo xusay, in sababaha dadkaasi loo waxyeeleeyey ay salka ku heyso dagaal beeleedyada ka dhacaaya Duleedka Galbeed ee Magaalada kismaayo ee Gobolka Jubabda Hoose.
Mas’uuliyinta sar sare ee maamulka Jubbaland iyo Maamulka Magaalada Kismaayo weli kama hadlin dilka la sheegay in uu ka dhacay Magaalada Kismaayo.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com






