Sunday, May 10, 2026
29 C
Mogadishu

DHAGEYSO: DF Soomaaliya oo sheegtay tirada dadka laga helay Fayraska Corona (COVID-19)

Muqdisho (Halqaran.com) – Guddiga sare ee loo xilsaaray xakamaynta xaaladaha Cudurka COVID-19 oo shir jaraa’id ku qabtay isbitaal Martiini ayaa sheegay in xarunta karantiilka Muqdisho lagu hayo 5-qof oo laga helay Coronavirus iyo 15 kale oo baaritaan lagu hayo.

Xubnaha guddiga ayaa waxaa ay sheegeen in marnaba aan la inkiri karin in uu jiro Cudurka, hayeeshee aan si rasmi ah loo caddeyn karin in dalka Soomaaliya uu ku faafey Fayraska Corona.

Dr. Cabdirisaaq Yuusuf Axmed Jalaaludiin oo xubin kamid ah Guddiga sare ee loo xilsaaray xakamaynta xaaladaha Cudurka COVID-19 ayaa sheegay in Cudurkaan uu yahay mid jira oo duniada ku baahey, isla markaana Shacbaka looga baahan yahay inaysan inkirin.

Dhaqtarka ayaa waxa uu caddeeyey in Soomaaliya 5 qofood oo qaba Cudurka Corona laga helay oo laba qof ay yihiin Ajanbi shantaasi qof mid kamid ah uu ka bogsoodey, sidoo kalena la haayo 17 Qof oo Cudurka looga shakiyey baaritaana lagu haayo.

Dr. Cabdirisaaq Yuusuf Axmed Jalaaludiin ayaa waxa uu sheegay in xanuunka Coronavirus uu yahay mid qofka uu ku dhici karo, hayeeshee Shacabka Soomalaiyeed looga baahan yahay in qofkii iska shakiyo uu tago Xarumaha Caafimaad.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...