Muqdisho (Halqaran.com) – Guddiga sare ee loo xilsaaray xakamaynta xaaladaha Cudurka COVID-19 oo shir jaraa’id ku qabtay isbitaal Martiini ayaa sheegay in xarunta karantiilka Muqdisho lagu hayo 5-qof oo laga helay Coronavirus iyo 15 kale oo baaritaan lagu hayo.
Xubnaha guddiga ayaa waxaa ay sheegeen in marnaba aan la inkiri karin in uu jiro Cudurka, hayeeshee aan si rasmi ah loo caddeyn karin in dalka Soomaaliya uu ku faafey Fayraska Corona.
Dr. Cabdirisaaq Yuusuf Axmed Jalaaludiin oo xubin kamid ah Guddiga sare ee loo xilsaaray xakamaynta xaaladaha Cudurka COVID-19 ayaa sheegay in Cudurkaan uu yahay mid jira oo duniada ku baahey, isla markaana Shacbaka looga baahan yahay inaysan inkirin.
Dhaqtarka ayaa waxa uu caddeeyey in Soomaaliya 5 qofood oo qaba Cudurka Corona laga helay oo laba qof ay yihiin Ajanbi shantaasi qof mid kamid ah uu ka bogsoodey, sidoo kalena la haayo 17 Qof oo Cudurka looga shakiyey baaritaana lagu haayo.
Dr. Cabdirisaaq Yuusuf Axmed Jalaaludiin ayaa waxa uu sheegay in xanuunka Coronavirus uu yahay mid qofka uu ku dhici karo, hayeeshee Shacabka Soomalaiyeed looga baahan yahay in qofkii iska shakiyo uu tago Xarumaha Caafimaad.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com