Friday, April 17, 2026
28.5 C
Mogadishu

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo si kumeel gaar ah u joojiyay hawlahoodii shaqo

Muqdisho (Halqaran.com) – Guddiga Wadajirka KMG ee Diyaarinta Xeerarka Dhammeystirka Sharciga Doorashooyinka Qaranka ayaa sheegay in si ku meel gaar ahi ay u joojiyeen hawlahoodii shaqo.

Guddiga ayaa bishii February loo igmaday hawlo ay ka mid yihiin jaangoynta qoondada haweenka ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo goobta lagu soo dooranayo Xildhibaanada Labada Aqal.

Guddoomiyaha Guddigan Wadajirka Xildhibaan Ibraahim Isaaq Yarow ayaa sheegay in hawlahoodii shaqo ay u hakiyeen cabsida laga qabo faafitaanka Fayraska Corona awgii.

Xildhibaan Ibraahim Isaaq Yarow ayaa sheegay marka loo fiiriyo xaaladda adag ee lagu jiro inaanay guddiga u saamixi karin in uu sii wado kulamada wadatashadiya ah, ee la xiriira Doorashooyinka Qaranka.

Mar uu la hadlayay laanta Af Soomaaliga ee BBC-da ayuu sheegay in ay soo xoogeysatay arrinta ku aadan Cudurka COVID-19, ee ka dhashay fayriska dilaaga ah ee Corona, isla markaana ay dadku kala xayirmayn.

Ugu dambeyn, guddoomiye Yarow ayaa xusay, in cudurka COVID-19 uu ka hor istaagay in kulamadii wadatashiyada ay sii wadaan, loona baahan yahay in feejignaan laga muujiyo faafitaanka Fayraskaasi.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...