Nairobi (Halqaran.com) – Dowladda Kenya ayaa xaqiijisay 29 ruux oo hor leh in uu ku dhacay Fayraska Corona (COVID-19), sida uu sheegay wasiirka caafimaadka ee dalkaasi, Mutahi Kagwe oo saxaafadda Maanta kula hadley magaalada Nairobi.
Guud ahaan dadka la xaqiijiyay ee laga helay cudurka gudaha Kenya waxay gaarayaan 110 qof tan iyo markii uu Cudurkaasi ka dilaacey dalkaas, iyada oo Cudurkaasi ay u dhinteen dad gaaraya Saddex ruux.
Wixii ka dambeeyey tan iyo markii Fayraska Corona (COVID-19) laga helay gudaha dalka Kenya ayaa waxa ay bilaawday qorshooyin looga hortagayo Cudurkan.
Sidoo kale, guud ahaan dalka Kenya ayaa haatan waxaa ka dhaqan galay Bandow habeenkii ah oo lagu soo rogay guud ahaan magaalooyinka dalkaasi.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com






