Wednesday, April 22, 2026
29.5 C
Mogadishu

Somaliland oo Jawaab ka bixisay hadal ka soo yeeray DF Soomaaliya (Maxaa cusub?)

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Somaliland, Hinda Xersi Gaani

Hargeysa (Halqaran.com) – War kasoo baxey Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in Wasaarada aan la soo gaarsiin laba kiis oo ku saabsan Cudurka Coronavirus oo Somaliland sheegtey deegaanadeeda, balse Somaliland ayaa ka jawaabtey hadalkaas.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Somaliland, Hinda Xersi Gaani oo Saxaafadda kula hadashay Hargeysa ayaa ku eedeeyey dowladda Soomaaliya inay ka dagaalantay in Somaliland laga helay laba qof oo qaba Fayraska Corona (COVID-19).

“Bal qofka kuu diidey in deegaannadaada laga helay COVID-19 kuuna aqoonsan maayo bal muxuu kuu qaban karaa, halka laga sugaayey inay yiraahdaan Somaliland waa dal yar ee aan u duceyno ee haloo gurmado, haddii Somalinimada dhab ka tahay ma dhaheen Somaliland ma qabto Coronavirus”, ayay tiri Wasiir Hinda.

Somaliland, ayaa sheegtay in dowladda Soomaaliya ay ugu baaqeyso in Somaliland aysan waxba ka dooneyn, hayeeshee ay wax u qabtaan dadka Somaliyeed oo ay mas’uulka ka yihiin.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...