Wednesday, April 22, 2026
30 C
Mogadishu

UPDATE: Jabuuti oo laga helay kiisas cusub oo la xiriira Fayraska Corona (COVID-19)

Jabuuti (Halqaran.com) – Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa waxay maanta shaaca ka qaaday in dalkeeda laga helay kiisas hor leh, oo la xiriira caabuqa COVID-19 ee ka dhashay fayriska Corona.

Wasaaradda Caafimaadka Jabuuti ayaa waxay galabta sheegtay in dalkaasi laga diiwaangeliyay toddobo kiis oo kale, ka dib markii baaris caafimaad lagu sameeyay boqol, afar iyo afartan qof.

“114 qof oo la marsiiyay shaybaarka lagu ogaado caabuqa COVID-19 ayaa 7 ka mida laga helay xanuunka Coronavirus.” Ayaa lagu yiri warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Caafimaadka Jabuuti.

Warsaxaafadeedka ayaa sidoo kale lau sheegay in dalka Jabuuti oo dhan laga diiwaangeliyay shan iyo labaatan kiis oo Coronavirus ah, ka dib markii baaritaan lagu sameeyay lix boqol iyo labaatan qof.

“Tan iyo 17-kii bishan waxaa baaritaan caafimaad lagu sameeyay 620 qof, iyadoo 25 ka mida lagu arkay cudursidaha Coronavirus, guud ahaan dalka Jabuuti.” Ayaa lagu sheegay warsaxaafadeedka.

Caabuqa faraha kulul dunida ku haya ee COVID-19 ayaa tan iyo bartamihii bishan ku fidaayay dalka Jabuuti, oo goob istiraatiijiya ku yaala.

Ismaaciil Cumar Geelle, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa maalmo ka hor dadkiisa ugu baaqay in ay ka feejignaadaan caabuqaasi, isla-markaana ay ka qayb qaataan la dagaalankiisa, iyagoo u hoggaansamaya tallooyinka caafimaadeed ee loo jeedinayo.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...