Muqdisho (Halqaran.com) – Dowladda Soomaaliya ayaa joojisay duulimaadyadii gudaha ee isaga kala gooshi jiray magaalada Muqdisho iyo gobollada dalka.
Wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday in Axadda beri wixii ka dambeeya dhammaan la joojiyey duulimaadyada gudaha ee isaga kala gooshi jiray iyo gobollada.
Dowladda Soomaaliya ayaa arrintaan ku sheegtay inay ka hortageyso faafitaanka Fayraska Corona (COVID-19), islamarkaana sidaasi ay garatay dowladda.
Wasiirka gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Salaad Oomaar ayaa sheegay sababta go‘aankaan loo qaatay inay tahay in la illaaliyo caafimaadka Bulshada Soomaaliyeed.
Mr. Oomaar ayaa xusay inay jiraan dad kala duwan oo ka imaanaya Gobollada dalka Soomaaliya oo qaarkood ay ku jiraan dad ka imaanaya xuduudaha dalka, kuwaasi oo aan la hubin caafimaadkooda.
Halka hoose ka akhriso War-saxaafadeedka:
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com







